Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay shalay soo saartay ku sheegtay in wadankaasi laga mamnuucay barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko iyo xubnaha qoyskiisa .
Go’aankan ayaa loo aaneeyay in Sonko uu ku lug yeeshay musuqmaasuqa.
Waaxda ayaa Sonko ku eedeysay in intii uu xilka hayay uu qandaraasyo dowladeed siiyay dad ay aad isugu dhowyihiin isagoo laaluush ka qaatay
Hasa ahaate Mike Sono ayaa iska fogeeyay eedeymaha ay u jeedisay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka isagoo ugu baaqay inay baaritaan ku sameyso safiirkeeda Kenya.
Sonko ayaa maamulka madaxweyne Joe Biden ku boorriyay inuu diiradda saaro wax ka qabashada xadgudubyada militari ee ay dowladda Ruushka ka waddo gudaha Ukraine.