Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada ilaallada badaha ee xukuumadda Washington ay gacanta ku dhigeen booyad shidaal oo laga leeyahay dalka Venezuela.
Waxaa uu arrintan ka sheegay munaasabad ka dhacday aqalka cad ee White House in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Maraykanka ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ku hanjabayey inuu tallaabo militari ka billaabi doono xeebta Venezuela.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Pam Bondi ayaa baraha bulshada ku sheegtay in booyadda la qabtay ay sidday shidaal la xannibay oo laga keenay Venezuela iyo Iran.
Dowladda Venezuela oo arrintan ka jawaabtay ayaa dhankeeda Maraykanka ku eedeysay inuu ku kacay xatooyo cad.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Venezuela ayaa laga soo xigtay in ay si wayn u difaaci doonto gobonnimada dalkaasi, kheyraadka dabiiciga iyo sharafta qaranka.




