Maraykanka oo aan doonayn dagaal toos ah oo kala dhexeya Ruushka

0
199

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegaya inay doonayaan in uunan dhicin dagaal toos ah oo u dhexeya xukuumadaha Washington iyo Moscow.
Blinken ayaa xusay in Maraykanka uu ku dadaallayay in dagaal noocani ah uunan dhicin tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine.
Waxaa uu sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan dowladda Ukraine sidoo kalena ay doonayaan in waddamada kale ay caawimaaddan ka qayb qaataan.