Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore gudaha wadanka Ukraine waxyeello lagu gaarsiiyay 100,000 qof oo u dhashay Ruushka.
Afhayeenka golaha amniga qaran ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in 20,000 oo dadkan ka mid ah in la dilay.
Dilalkan ayuu xusay inay ka dhaceen gobolka Donetsk ee wadanka Ukraine.
John Kirby ayaa tilmaamay in xogtan laga soo xigtay waaxda sirdoonka ee xukuumadda Washington.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah kama uunan bixin qaabka tiradan lagu diiwaangeliyay.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xukuumadda Kyiv ay isku diyaarinaysa iska caabbin hor leh oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.