Dowladda Maraykanka ayaa shirkadaha soo saaro daawooyinka tallaalka ee lagula tacaalo cudurka COVID19 la saxiixatay heshiis ah in ay ku soo warejiyaan 500 oo milyan oo daawooyinkan ka mid ah.
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in daawooyinkan uu ku taageeri doono ilaa 100 dal oo ah kuwa uu dhaqalahoodu hooseeya .
Sidoo kale waxaa qayb ka mid ah lagu wareejin doonaa midowga Afrika muddo sanad gudihii ah.