Maraykanka oo 477 bilyan oo shilin ku maalgelinaya dhisidda waddo wayn oo xiriirinaysa Nairobi iyo Mombasa

0
296

Kenya iyo Maraykanka ayaa wada saxiixday heshiis ku saabsan kaabayaasha gaadiidka.
Is-afgaradkan oo ku kacaya 3.6 bilyan oo doollar una dhiganta 477 bilyan oo shilin ayuu Maraykanka ku maalgelinaya dhisidda waddo wayn oo ah ilaa 440 kiilomitir oo xiriirinaysa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Heshiiskan oo u dhexeeya Kenya iyo Everstrong Capital LLC ayaa waxaa qayb ka saxiixay maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KENHA) .