Maraykanka iyo UK oo cunaqabateyn shidaal saaray Ruushka

0
346

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shaaciyay xayiraado la xiriira ganacsiga shidaalka oo ka dhan ah Ruushka.
Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid uu Maraykanka uga aargoosanaya Ruushka maadaama uu ku duulay Ukraine.
Biden ayaa xusay in go’aanka lagu mamnuucay in shidaalka Ruushka halkaasi loo dhoofiyo ay tahay mid lagu xanuunjinayo madaxweyne Vladimir Putin.
Waxaa tallaabo sidaan oo kale qaadday dowladda boqortooyada Ingiriiska.