Maraykanka iyo Israa’iil oo u heshiinaya Iiraan

0
486

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa la filaya inay saxiixdaan heshiis laba geesood ah oo ku aaddan is hor taagga himilooyinka dowladda Iiraan ee barnaamijka Nukliyeerka .
Waxay labaduba ku dadaalayaan inay xukuumadda Tehraan ka hor istaagan inay hesho hub nukliyeer oo dheeraad ah.
Heshiiska ayaa lagu wadaa in shaaca laga qaado iyadoo maanta ay tahay maalintii labaad ee Joe Biden uu safar ku joogo bariga dhexe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isafgarka uu qayb ka yahay ballanqaad ay dowladda Maraykanka u sameysay Israa’iil oo ah inay sii wadi doonto taageerada militari ee ay siiso.
Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii Maraykanka iyo Israa’iil ay saxiixdeen heshiis ku saleysnaa 38 bilyan oo doolar oo taageero ah.