Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah u fuliyay duqeymo ay ku bartilmaameedsanayeen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxay sheegeen inay weerareen ilaa 36 ka mid ah xarumaha kooxdan ee gudaha Yemen.
Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee (CENTCOM) ayaa laga soo xigtay in laga hor tagay gantaal ay Xuutiyiintu doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan maraakiibta adeegsanaya Badda Cas.
Balse Xuutiyiinta ayaa sheegay in marnaba weerarradan aynan hor istaag ku noqon doonin waxayna wacad ku mareen inay ka falcelin doonaan duqeymaha Maraykanka iyo Ingiriiska.
Kooxdan ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Israa’iil iyo xulafadeeda ilaa iyo inta laga soo afjaraya duqeymaha ka socdo Qaza.




