Maraykanka iyo Ingiriiska oo duqeymo ku bartilmaameedsaday Xuutiyiinta

0
167

Ciidamada militariga ee dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku bartilmaameedsaday kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Maraykanka iyo UK ayaa sheegay in iyagoo taageero ka helaya dowladaha Australia, Bahrain, Canada iyo Netherlands, ay bartilmaameedsadeen siddeed ka mid ah xarumaha Xuutiyiinta.
Waxaa ay intaasi ku dareen inay begsadeen goob lagu kaydiyo hubka oo ku taalla dhulka hoostiisa ee Xuutiyiinta leeyihiin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Mr. Biden ayaa xusay in duqeymaha looga falcelinayay weerarro ay toddobaadyadii ugu dambeeyay Xuutiyiinta ku qaadayeen maraakiibta adeegsanaya Badda Cas.
Waxaa uu bayaan ku sheegay in haddii ay dantu keento uunan ka gaabin doonin tallaabo militari oo dheeraad oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen.
Kooxdan ayaa wacad ku martay inay weerarrada sii wadi doonto ilaa iyo inta Israa’iil ay ka joojinaysa duullaanka ay ka wado Qaza.