Maraykanka iyo Ingiriiska oo duqeymo ku bartilmaameedsaday Xuutiyiinta

0
212

Ciidamada militariga ee dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku bartilmaameedsaday kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Mr. Biden ayaa xusay in duqeymaha looga falcelinayay weerarro ay toddobaadyadii ugu dambeeyay Xuutiyiinta ku qaadayeen maraakiibta adeegsanaya Badda Cas.
Waxaa uu bayaan ku sheegay in haddii ay dantu keento uunan ka gaabin doonin tallaabo militari oo dheeraad oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen.
Duqeymaha Maraykanka iyo UK ay fuliyeen ayaa loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka iyo gantaallada riddada-dheer ee Tomahawk.
Kooxdan ayaa wacad ku martay inay weerarrada sii wadi doonto ilaa iyo inta Israa’iil ay ka joojinaysa duullaanka ay ka wado Qaza.