Mandera oo 8 bilyan ku qarash gelinaysa arrimaha biyaha

0
212

Dowladda ismaamulka Mandera ayaa soo bandhigtay qorsho ballaaran oo ku saabsan wanaajinta adeegyada biyaha iyo maareynta wasaqda.
Waxaa barnaamijkan ku baxaysa lacag dhan 8 bilyan oo shilin.
Ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF ee dalka Mr. Maxbuub Axmad ayaa sheegay in xiriirn dhanka biyaha ah iyo marinnada bullaacadaha laga sameyn doono deegaanka Takaba ee galbeedka Mandera.
Barasaabka ismaamulka Mandera Maxamad Aaden Khaliif ayaa sheegay in marka la dhameeyo wajiga koowaad ee barnaamijkan la soo afjari doono caqabadaha dhanka biyaha ee dowlad deegaankaasi.