Maleeshiyaadka Mozambique oo afar qof ku dilay magaalada Macomia

0
406

Fallaago xiriir la leh kooxda Daacish ee Waqooyiga Mozambique ayaa afar qof oo rayid ah ku dilay weerar ay ku qaadeen magaalada Macomia, sida ay wakaalada wararka ee AFP u sheegeen sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka iyo dadka deegaanka.
Weeraro soo cusboonaaday ayaa bilihii la soo dhaafay laga soo sheegayay gobolka Cabo Delgado oo ay kacdoonadu ka socdeen tan iyo sanadkii 2017-kii, halkaas oo uu hakad ku jiro mashruuc gaaska dabiiciga ah oo balaayiin dollar ku kacaya oo ay gacanta ku hayso shirkadda tamarta Faransiiska ee TotalEnergies kaasoo la filaayo in dib loo bilaabo.
Maamulka Mozambique ayaan xaqiijin dhacdooyinka ama aan ka hadlin weerarkii ugu dambeeyay.
Ugu yaraan 6,200 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu kacdoonku billowday 2017-kii, sida ay sheegtay kooxda la socodka iskahorimaadyada ee ACLED.