Malaysia oo sheegtay in aan falastiiniyiinta laga barakicin karin Qaza

0
366

Dowladda dalka Malaysia ayaa sheegtay in ay si wayn uga soo horjeeddo in Falastiiniyiinta si qasab ah looga barakiciyo Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay inuu damacsan yahay in uu Marinka Qaza maamulo marka shacabka halkaasi ku nool laga saaro oo la geeyo waddamo kale oo deegaamayn looga sameynaya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Malaysia ayaa sheegtay in barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta ay la mid noqonaysa isir sifeyn , ku xadgudubka xeerarka caalamiga iyo qaraarrada dhowrka ah ee qaramada midoobay.
Waxaa bayaanka wasaaradda ay maanta soo saartay ku cad in isku day kasta oo toos ah mise dadban oo barakicin ah uu baalmarsan yahay xaqiijinta xuquuqda shacabka Falastiin ee Qaza taasina aan la aqbali karin.
Wasaaradda ayaa xustay in haddii qorshahan laga dhabeeyo uu noqonaya mid aan loo qiil dayi karin oo sii ballaariya mid ka mid ah colaadda ugu muddada dheer ee gobolka Bariga Dhexe.
Malaysia waxay intaasi ku dartay in ay sii wadi doonto garab istaagga dadweynaha Falastiin.
Sidoo kale waxay sheegtay in xalka keliya uu yahay in Falastiiniyiinta ay helaan dowlad ay leeyihiin oo madax bannaan si loo helo xasillooni waarta.