Makueni:4 qof oo loo xiray ka ganacsiga foolasha maroodiga

0
248

Ciidamada booliiska ee magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ayaa xiray afar qof oo eedeysanayaal ah.
Waxaa shakhsiyaadkan lagu helay 6.8 kiilogaraam oo foolasha maroodiga ah qiimahooduna uu yahay 2 milyan oo shilin.
Howlgalka eedeysanayaasha lagu soo xiray waxaa iska kaashaday ciidamada saldhigga booliiska ee Makindu, kuwa dambi baarista iyo adeegga duurjoogta ee KWS.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa kala ah Stephen Kitavi (34 sano jir ah), Peter Kioko (39), Kyalo Muange (47), iyo Danstan Kisyoka (54).
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa maanta bayaan ku sheegay in tuhmanayaasha hadda lagu hayo saldhigga booliiska ee Makindu wuxuuna qorshuhu yahay in galinka dambe ee maanta maxkamadda la soo taago.
Bilooyin ka hor ayay ahayd markii 53 kiilogaraam oo ah foolasha maroodiga lagu qabtay ismaamulka Embu.