Afhayeenka isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Prof.Makau Mutua ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto ugu baaqay inuunan ka dhigin in guddoomiyaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee IEBC Wafula Chebukati uunan wax dembi ah lahayn.
Mutua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in runta aanan marnaba la qarin karin.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto sheegay in Chebukati uu mudan yahay in lagu daydo maadaama uu sida habboon uga soo baxay waajibaadkiisa shaqo .
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in sanadkii hore si toos ah la iskugu dayay in la afduubo oo la dilo guddoomiyaha doorashooyinka.
Hasa ahaate qaar ka mid ah siyaasiyiinta Azimio sida xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka madaxweynaha waxay ka dalbadeen inuu caddeyn soo bandhigo.
Stop making Chebukati look like a saint, Makau Mutua tells state. https://t.co/Hr96y1i8aT
— Prof Makau Mutua (@makaumutua) January 18, 2023
The state and its top officials must with immediate effect stop the nonsensical attempts at the BEATIFICATION of former @IEBCKenya Chair @WChebukati. The truth like the sun can’t long be hidden.
— Prof Makau Mutua (@makaumutua) January 18, 2023