Dowladda ayaa ka mamnuucday isticmaalka taleefoonnada gacanta ee xarumaha lagu sameynaya imtixaanka shahaadiga ee KCSE-da, ka dib markii ay kordheen wax isdabamarinta dhanka imtixaanka.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso sidii ay uga hor tagi lahayd falalka xatooyada imtixaanka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka lagu mamnuucay aaladaha isgaarsiineed in lagu isticmaalo xarumaha imtixaanka uu yimid ka dib markii ay soo baxday, in warqadaha imtixaanka sawir in laga qaado ka dib la faafinaya.
Mr. Magaha ayaa sheegay in ardayda sameynaya imtixaanka iyo mareeyayaasha aan loo oggolaan doonin in xarumaha KCSE-da lagu sameynaya inay la galaan taleefoonnadooda.
Waxaa ilaa iyo hadda 20 ka mid ah maareeyayaasha imtixaanka loo xiray falal la xiriira qish.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa intaasi ku dartay in laga bilaabo berri, maareeyihii lagu helo isagoo taleefoon ku isticmaalaya xarumaha imtixaaanka lagala wareegaya taleefoonkiisa gacanta, islamarkaana dib loogu soo celin doono marka imtixaannada la soo gabagabeeyo.
Amarka uu soo saaray wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhanka kale waxaa ku cad, in kaliya mareeyayaasha ku sugan xarumaha imtixaanka lagu keydiya iyo saraakiisha amniga ee goobahaasi amniogooda ilaalinaya loo oggolaan doona inay haystaan taleefanadooda gacanta.
Home Wararka Kenya Magoha: Xarumaha imtixaanka KCSE-da waa ka mamnuuc isticmaalka taleefoonka gacanta laga bilaabo...




