Magoha oo amray in ardayda loo ogolaado xijaabka iyo labisyada kale ee diimeed

0
595

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa amar ku bixiyay in dhammaan maamullada xarumaha waxbarashada ay u ogolaadaan ardaydooda inay xirtaan dharkooda diimeed ee kala duwan oo uu xijaabku ka mid yahay.
Amarka uu soo saaray wasiirka ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah macallimiinta iyo maamulayaasha ay ardayda u direen guryahooda sababo la xiriira xirashada labis diimeed.
Wasiirka ayaa ku boorriyay madaxda dugsiyada inay iska ilaaliyaan takoorka ardayda ee ku saleysan diintooda.
Waxaa uu xusay in weli ay jiraan dhowr dugsi oo ardayda ku dhibaateeya qaabka ay u labistaan halka mararka qaarkoodna ay takooraan.
Magoha ayaa iskuullada ugu baaqay in ay u ogolaadaan ardayda wax ka barata xarumahooda inay xirtaan labisyadooda diimeed ee kala duwan.
Waxaa uu ka digay in ardayda guryahooda loo diray sababo la xiriira xirashada dhar diimeed ay la mid tahay in aad ka hor timid amar madaxweyne.
Magoha ayaa sidoo kale ka digay in tallaabo anshaxeed laga qaadi doono maamulihii aan u hoggaansamin amarkan, maadaama ay tahay arrin khasab ah.
Amarka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmo ka hor uu raaligelin ka bixiyay hadal uu jeediyay oo la dhibsaday.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyayaasha muslimiinta dalka ay cadaadis xooggan ku saareen inuu raaligelin bixiyo.
Hadalka la dhibsaday ayaa ahaa in gabadh suxufiyad oo muslimad ah uu wasiirku ku yiri haddii aad matalaysa Al-Shabaab su’aasha kaagama jawaabaya taasoo lagu tilmaamay mid gaf ah oo uu ku bartilmaameedsaday wariyaha si wayna looga falceliyay.