Magacaabidda Stella Soi oo la diiday

0
587

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta ayaa dhinac iskaga dhigay magacaabidii Stella Soi Langat.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa haweeneydan u soo magacaabay wasiiradda wasaaradda arrimaha jinsiyadda , dhaqanka , farshaxanka iyo hiddaha.
Baarlamaanka ayaa galabta go’aamin doono in Soi ay u qalanto xilka loo magacaabay iyo inuu guddiga ku waafaqaya go’aankiisa .
Dhanka kale, madaxa xisbiga Narc-Kenya Martha Karua oo wareysi siisay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegtay in haddii madaxweyne Ruto uu u soo magacaabi lahaa wasiir in aynan oggolaan lahayn.
Waxay tani u aaneysay sida ay hadalka u dhigtay in ay adag tahay in lala shaqeeyo William Ruto marka loo barbardhigo Raila Odinga oo ay ku tilmaantay shakhsi ku wanaagsan dhanka dhageysiga iyo wada tashiyada.