Madaxweynihii la afgembiyay ee Niger oo baaq u diray beesha caalamka

0
361

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee wadanka Niger Maxamad Bazoum ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay ka shaqeyso sidii talada dib loogu celin lahaa maamulkiisa.
Waxaa uu sheegay in tallaabada ay qaadeen ciidamada ilaalada madaxtooyada ee dalkaasi ay ka dhalan karto saameeyn aan wanaagsanayn haddii aan taasi laga falcelin.
Bazoum, ayaa sheegay in Maraykanka iyo dowladaha kale ee caalamka laga doonaya inay dalkiisa garab ku siiyaan dib u soo celinta nidaamkii maamulka ee dastuuriga ahaa.