Madaxweynihii hore ee dalka Tanzania John Pombe Magufuli ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta lagu aaso deegaanka Chato ee gobalka Geita ee dalkaasi.
17-kii bishaan ayay ahayd markii Mr. Magufuli uu u geeriyooday xanuun dhanka wadanaha ah sida ay sheegtay madaxweynaha haatan talada la wareegtay ee dalka Tanzania Samiya Suluhu Xasan oo shan sano ku xigeen u ahayd madaxweynaha geeriyooday.
Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaasi ee geeriyooda isaga oo xukunka ku fadhiyo waxayna da’adiisu ahayd 61 sano.
Madaxda ka qayb galaya aaska Magufuli waxaa ka mid ah Samiya Suluhu Xasan, madaxweynayaashi hore ee dalkaasi soo xukumay Cali Xasan Mwinyi, Jakaya Kikwete iyo marti sharaf kale.
Dalka Tanzania ayaa haatan ku jira 21 maalmood oo loo asteeyay in loogu baroordiiqo madaxweynihii maalmo ka hor geeriyooday.