Madaweynihii hore ee dalka Soomaaliya, Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa loo dhaariyay xubinimada joogtada ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka wadankaasi.
Kulanka golaha shacabka oo ay soo xaadireen xubno ka badan 150 ayaa waxa ay marka hore ka doodeen ansixinta qodobada ajendaha oo uu ku jira dhaarinta madaxweynihii hore.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaa ogolaatay in madaxweynihii hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo la dhaariyo 146 xildhibaan.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo loo dhaariyay xubin baarlamaan oo joogta ah