Waxaa isagoo 79 sano jir ah geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Pakistan Pervez Musharraf.
Taliyahan hore ee militari ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka isugu tagga imaaraadka carabka ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Musharraf ayaa Pakistan hoggaaminayay ku dhawaad toban sano ka dib markii uu talada qaab afgembi ah kula wareegay sanadkii 1999.
Waxaa uu xilligaasi xukunka ka tuuray Nawaz Sharif ka dib markii xiriirkoodi uu xumaaday.
Waxaa uu muddo la xanuunsanaa cudur lagu tilmaamay mid naadir ah oo dhaawacay unugyada jirkiisa isagoo muddo sariir yaal ahaa.
Qaybta militariga Pakistan u qaabilsan saxaafadda ayaa bayaan kooban oo ay soo saartay uga tacsiyadeysay geerida mas’uulkan hore.
Waxaa sidoo kale tacsi diray ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif .
Warbaahin maxalli ah oo loo yaqaano Geo News ayaa ku warramaysa in meydka Pervez Musharraf berri loo soo qaadi doono Pakistan si loo aaso.




