Madaxweynihii hore ee Guatemala oo la xiray 16 sano

0
279

Madaxweynihii hore ee dalka Guatemala ,Otto Perez ayaa lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda ku heshay dembi la xiriira musuqmaasuq.
Waxaa lagu cadeeyay inuu hoggaamiyay khiyaano ballaaran oo saameysay waaxda kastamka ee dalkaasi.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii ay Perez danta ku qasabtay inuu is casilo.
Xukunka maxkamadda waxaa soo saaray garsoore Irma Jeannette Valdes .
Waxaa xukun kani la mid ah lagu riday Roxana Baldetti oo madaxweyne ku xigeen u ahayd.