Waxaa geeriyooday Benigno Aquino oo horay dalka Filibiin madaxweyne uga soo noqday.
Sida ay xaqiijiyeen xubnaha qoyskiisa maanta oo Khamiis ah ayuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Manila ee dalkaasi.
Mr. Benigno ayaa dhintay isagoo 61 sano jir ah ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Waxaa uu ahaa madaxweynihii 15-aad ee dalka Filibiin.