Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga laga siidaayay

0
464

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ayaa laga siidaayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ku xirnaa tan iyo bishii Siddeedaad ee sanadkii 2018-kii, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qareenkiisa iyo qaar ka mida dad ka ag dhow.
Qareenkiisa Iskendir Gezhne ayaa sheegay ka dib markii dacwad oogaha guud ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa Cabdi Cumar.
Siideyntiisa ayaa ku soo aadeysa lix sano ka dib markii xabsiga la dhigay, wakhtigii uu talada dalka Itoobiya la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmad.
Waxaa sidoo kale la siidaayay Raxma Maxamuud Haybe oo ahayd mas’uul ka tirsanayd maamulkii Cabdi Maxamuud.
Raxma oo ahayd Xildhibaanad ka tirsanayd baarlamaanka dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sidoo kale ahayd wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Carruurta.
Waxyaabaha ay horay dacwado oogayaashu ugu soo eedeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku lug lahaa abaabul dhallinyarada ‘Heego’  oo sida la sheegay dhibaato markaas ka abuuraysay deegaanka.
Waxaa lagu soo oogay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeedna la burburiyay.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa madaxweynihii Dowladda Deegaanka Soomaalida tan iyo sanadkii 2010-kii, isagoo horay inta uusan noqonin madaxweynahana uu ahaa Hoggaanka Nabadgelyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Isaga oo madaxweyne ah ayaa lagu xiray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmad ayaa xirtay xilligaas iyadoo haatana xabsiga ka siidaysay markii warqad ka socoto Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay gaaray xeer Ilaalinta.