Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Angola Jose Eduardo dos Santos.
Waxaa ay da’aadiisu ahayd 79 sano jir.
Madaxtooyada wadankaasi ayaa bayaan ay soo saartay shaaca kaga qaadday geerida mas’uulkan hore.
Dos Santos wuxuu ahaa nin saameyn weyn ku lahaa siyaasadda dalka Angola iyo qaaradda Afrika in ka badan 30 sano, isagoo soo noqday madaxweynihii labaad ee dalkaasi.
In kasta oo aan horraan war rasmi ah oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad la soo saarin, ayaa dhanka kale wuxuu si joogto ah u booqan jiray waddamada dibadda si uu gargaar caafimaad u helo xitaa intii uu madaxweynaha ahaa, taasoo keentay in la isla dhexmaro in uu cudurka kansarka qabay.
Faahfaahin kale oo ku saabsan geeridiisa ilaa iyo hadda ma cadda.
Waxaa uu wadanka Angola madaxweyne ka soo noqday intii u dhexeysay sanadihii 1979-kii ilaa 2017-kii, taas oo ka dhigeysa madaxweynihii ugu wakhtiga dheeraa ee dalkaasi soo maro.