Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso Blaise Compaore ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu ka dambeeyay dilkii loo gaystay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Thomas Sankara sanadkii 1987-kii.
Waxaa mas’uulkan maanta xukunkan ku ridday maxkamadda ciidamada ee Burkina Faso.
Xukunkan oo in muddo ah la sugayay ayaa soo xiray dacwad lix bilood ah oo socotoy.
Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso Thomas Sankara ayaa la dilay 15-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 1987-kii.
Dacwad oogayaasha militariga ayaa codsaday in Blaise Compaore lagu xukumo muddo 30 sano ah.
Waxaa sidoo kale xukun kan la mid ah maanta lagu riday 13 kale oo loo haystay inay ku lug lahaayeen dilka Thomas Sankara.
Sankara, oo ahaa hoggaamiye Afrikaan ah oo aad la ixtiraamo islamarkaana ahaa madaxweynaha dalka Burkina Faso, ayaa isaga iyo 12 kale lagu dilay weerar ay soo qaadeen koox hubeysan oo uu watay Blaise Compaore
Blaise Compaore oo 1987-kii afgembi ku qabsaday talada wadanka Burkina Faso ayaa sanadkii 2014-kii xukunka looga tuuray qaab inqilaab ah.
Waxaa uu dalkaasi xukumayay muddo 27 sano.