Waxaa isagoo 82 sano jir ah geeriyooday madaxweynihii dalka Namibia Hage Geingob .
Bishii hore ayay ahayd markii uu shaaciyay in loo billaabay daaweyn ka dhan ah cudurka kansarka.
Madaxtooyada Namibia ayaa xaqiijisay in Hage uu maanta oo Axad ah geeriyooday.
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka Lady Pohamba ee magaalada Windhoek ee caasimadda dalkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Namibia ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Nangolo Mbumba ayaa sheegay in wadankaasi uu ka baxay hoggaamiye si daacad ah qaranka ugu soo adeegay oo kaalin wayn ka qaatay arrimaha dastuurka.