Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu ka hoggaamiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sida qorshuhu yahay, deegaanada la doonayo in Al-Shabaab laga xoreeyo waxaa ka mid ah deegaanka Ceel Buur, oo ay haystaan kooxdan.
Madaxweynaha, waxaa ka sii horreeyay wefdi shalay tegay Dhuusamareeb oo isugu jira senetarro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo deegaamadooda tahay deegaanada hadda la doonayo in laga saaro Al-Shabaab iyo odeyaasha dhaqanka beelaha deegaanadaasI, wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.
Waxaa sidoo kale oo halkaasi dhawaan tegay agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Mahad Salaad.
Isla Dhuusamareeb, waxaa ka socda shir shalay furmay oo socon doona laba maalmood, kaas oo lagaga arrisanayo diyaargarowga duullaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabbaab ee la doonayo in looga saaro deegaannada Ceel Garas, Ceel Buur iyo Galhareeri.
Shirka ayaa ujeedadiisa ugu weyn lagu sheegay xasillinta deegaannadaas ka dib marka Al-Shabaab laga saaro.