Waxaa gor dhaweyd Magaalada Baydhabo gaaray oo si wayn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii bishan.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay qayb ka ahaayeen Xubno katirsan labada Gole ee dowladda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamad (Laftagareen) Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxyooyada Soomaaliya & qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xarigga ka jaraya dib u dhis lagu sameeyay qayb ka mid ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka.
Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa qayb ka ah safarro uu ku tagayo dowlad Goboleedyada ka jira dalkaasi, waxaana safarkan midka xiga uu noqon doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.