Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhigiisa dalka Ereteria Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.
Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyay qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay cadow ku yihiin horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey fulinta ballanqaadkiisii ku aadanaa soo celinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteria, isaga oo xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan muuqooda halka ay cadowga argagaxisaduna ka naxayaan cududooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteria uga mahadceliyay tababarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo dhigiisa dalka Ereteria Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaasi oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sh oo sheegay in degdeg loo soo celinayo ciidamada tababarka...