Madaxweyne Xasan Sh oo ka qayb galaya kulan degdeg ah oo la isugu yeeray labada aqal ee baarlamaanka

0
263

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa Maanta kulan degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulankan degdegga ah ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galaya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka hor jeedin doona Xildhibaanada labada Aqal.
Xildhibaannada ayaa farriimo Xalay loo diray lagu wargeliyay inay ka soo qayb galaan kulanka degdegga ah oo uu imaanayo madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka ka jeedin doono khudbad xasaasi ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fadhigaan uga hadli doonaa heshiiska taabanaya Qaranimada Soomaaliya oo Shalay Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u saxiixay dowladda Itoobiya in la siiyo oo adeegsadaan qaybo ka mid ah biyaha Soomaaliya, halka ra’iisul wasaaraha Itoobiya dhankiisa uu u ballan qaaday Somaliland inay dowlad ahaan u aqoonsan doonaan.
Heshiiskaasi ayaa waxaa si weyn uga falceliyay siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ku tilmaamay heshiiskaas mid xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in dowladda Federaalka tallaabo degdeg ah ka qaadato arinkaasi.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan degdeg ah ka yeelanaya maanta heshiiska ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmad, waxaana arrintaas si weyn u hadal haayo shacabka Soomaaliyeed oo ka carooday tallaabada Muuse Biixi uu qaaday.