Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la filayaa inuu maanta safar shaqo ku tago magaalada Gaarisa taasoo ka mid ah socdaal laba maalin ah oo uu ku mari doono ismaamullada Waqooyi bari ee dalka.
Ruto ayaa magaalada Gaarisa uga qayb geli doonaa munnaasabada furitaanka barnaamijka awoodsiinta dhallinyarada ee NYOTA isagoo beri u safri doono dowlad deegaannada Wajeer iyo Mandheera.
Safarka hoggaamiyaha qaranka ayaa ku soo aadayaa iyadoo abaaraha saameyay deegaannada ka tirsan gobolka ay ka sii darayaan xilli la soo jeediyay baaq ah in abaarta Waqooyi bari loo aqoonsado musiibo qaran.




