Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu si gooni gooni ah ula hadlo dhiggiisa Ruushka iyo Ukraine, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in heshiis xabad joojin ah laga gaaro dagaalka Ukraine.
Trump ayaa lagu wadaa inuu la hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin 14:00 GMT. Intaa ka dib, waxa uu wadahadalo taleefoon ah la yeelan doonaa madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo madaxda NATO.