Madaxweyne Ruto oo u tacsiyadeeyay qoysaska dadkii ku dhintay Marakwet

0
460

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada 21 qof oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul go’o saameeyay Bariga Marakwet ee ismaamulka Elgeyo Marakwet .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacan ka gaysanaysa dadaallada lagu raadinaya dadka weli la la’yahay.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa kenyaanka aan haysan aqoonsiga qaran ee kibaandhaha ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan tallaabada ay dowladdu meesha uga saartay lacagihii laga qaadi jiray dadka codsanaya mise kuwa beddelanaya aqoonsiga.
Khamiistii ayay ahayd markii ay dowladdu si rasmi ah u shaacisay in muddo 6 bilood ah meesha laga saaray qarashaadkii dadweynaha laga qaadi jiray marka ay dib u codsanayaan aqoonsiga qaran ee ka lumay iyo haddii ay wax ka beddelayaan xogahooda.