Madaxweynaha dalka ayaa u ambabaxay dalka Japan si uu uga qeyb galo shirweynaha 9-aad ee horumarinta Afrika (TICAD 9) ee Tokyo, kaasoo ka dhacaya magaalada Yokohama.
Booqashadan ayaa la filayaa inay sii adkeyn doonto xiriirka Kenya iyo Japan iyadoo la ballaarinayo fursadaha ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga horumarinta.
Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Xuseen Maxamed ayaa sheegay in dooda ay diiradda saari doonto mashaariicda kaabayaasha aasaasiga ah, oo ay ku jiraan ballaarinta Dekedda Mombasa, Horumarinta Jidadka Dekadda Mombasa, Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Dongo Kundu iyo nidaamka gaadiidka xaafadaha Nairobi.
Dhinacyada kale ee iskaashiga ah ayaa waxaa ka mid ah beeraha, kaymaha iyo isbeddelka cimilada, iyadoo Japan ay horay u taageertay dayactirka kaabayaasha waraabka iyo dadaallada dhiraynta.
Kenya iyo Japan ayaa sidoo kale la filayaa inay sahamiyaan balaarinta isweydaarsiga waxbarasho ee Sayniska, Tignoolajiyada iyo hal abuurka si loo horumariyo karti xirfad leh.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa shirka uga baaqi doonaa is dhexgal qoto dheer ee Afrika iyo isku xirnaanta si loo furo awood dhaqaale. Waxaa la filayaa in uu xoogga saaro Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ah darawalka kobaca loo dhan yahay, inuu ku boorriyo in meesha laga saaro caqabadaha ganacsiga iyo in uu raadiyo iskaashi xooggan oo uu la yeesho Japan si kor loogu qaado maalgashiga qaybaha mudnaanta leh.
Waxaa kale oo uu iftiimin doonaa baahida loo qabo in la cusboonaysiiyo kaabayaasha, tamarta, saadka iyo shabakadaha dhijitaalka ah si si wanaagsan laiskugu xiro Afrika iyo suuqyada caalamka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Ruto ayaa waxa uu wada hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa dhowr hoggaamiye oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba, waxaana Qasriga Boqortooyada ku qaabili doona Boqor Naruhito iyo Boqorad Masako.
Kulanka uu la qaadanayo Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Kenya iyo Japan iyo sahminta wadooyin cusub oo ganacsi, maalgashi iyo iskaashi caalami ah.