Madaxweyne Ruto oo socdaal saddex maalmood ka billaabay ismaamulka Migori

0
372

Madaxweyne William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u billaabay 3 maalmood oo socdaal shaqo oo uu ku taagaayo dowlad deegaanka Migori.
Booqashadan oo socon doonta 4-ta May ilaa 6-da bishan ayaa madaxweynaha waxaa uu mari doonaa deegaannada Bariga Suna, Galbeedka Suna, Rongo, Uriri iyo Awendo.
Inta uu ku guda jiro socdaalka Madaxweyne Ruto ayaa la filayaa in uu daah furo mashaariic horumarineed oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin daah-furka waddada laamiga ah ee isku xirta Stella-Gogo-Sibuoche iyo dhagax-dhigga dhisme ka kooban 200 oo unug oo laga dhisayo deegaanka Uriri ee guryaha la awoodi karo.
Waxaa kale oo uu kormeeri doonaa qorshayaal caafimaad oo kala duwan iyo mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee shanta deegaan doorasho.
26-kii Maarso, Madaxweynaha ayaa madaxda Galbeedka Kenya kula kulmay Aqalka Madaxtooyada, halkaas oo uu ku xaqiijiyey sida ay dowladda uga go’an tahay qorshe horumarineed oo loo dhan yahay, gaar ahaan dib u soo nooleynta qeybta sonkorta ee gobolka.
Booqashadan ayaa muujineysa dadaallada joogtada ah ee Ruto uu ku doonayo inuu ku xoojiyo joogitaankiisa siyaasadeed ee goobaha ODM ay ku xoogan tahay ka dib markii uu heshiis iskaashi la saxiixday hogaamiyaha ODM Raila Odinga.
Socdaalkan ayaa sidoo kale loo arkaa qayb ka mid ah istaraatiijiyaddiisa ballaaran ee uu ku xoojinayo taageerada gobolka hodanka ku ah codadka iyadoo ay soo baxayaan isbedello siyaasadeed ka hor doorashada guud ee 2027.