Madaxweyne William Ruto ayaa walaac ka muujiyay xaaladda guud ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka, isagoo wacad ku maray inuu isbedel ka sameyn doono magaalada.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 70-aad ee Kaniisada Africa Inland Church Ziwani oo Axada maanta ah lagu qabtay magaalada Nairobi ayuu madaxweyne Ruto waxaa uu sheegay in uu wada hadalo la qaatay madaxda ismaamulka Nairobi oo uu ugu horeeyo barasaabka dowlad deegaanka Johnson Sakaja si loo nadiifiyo magaalada oo laga dhigo mid sharaf leh.
Waxaa uu sheegay in dowladda qaranka ay isku afgarteen in ay la shaqeeyaan maamulka dowladda hoose ee Nairobi si loo dhaqan geliyo qorshaha nadaafadda, isagoo intaa ku daray in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay kula heshiini doonaan sidii lagu nadiifin lahaa guryaha iyo meelaha kale.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay in Nairobi ay tahay xudunta dhaqaalaha, ayna tahay in ay yeelato muuqaalka horumarka weyn.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Kenya ay noqon doonto mid ka mid ah dalalka koowaad ee aduunka sanadka 2055-ka, iyadoo taasi ay sabab u tahay qorshayaasha horumarineed ee uu maamulkiisa wado.
Waxaa uu sidoo kale ku booriyay Kenyaanka inay ka waantoobaan shakiga ku aadan qorshihiisa hamiga ah, isagoo sheegay in dalalka horumaray ay leeyihiin hadaf mideysan iyo shacab mideysan.
Dareenkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay shacabka Nairobi ka cabanayaan kaabayaasha dhaqaalaha ee xumaday iyo adeegyada dowladda ismaamulka oo fashilmay, iyagoo dalbanaya in tallaabo degdeg ah laga qaado.