Madaxweyne William Ruto ayaa ku dhawaaqay in 27-ka Agoosto wixii hadda ka dambeeya la xuso sanad walba maalinta Dastuurka ee Katiba Day, taasoo lagu xusayo dhaqan galka dastuurka 2010-ka.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Isniinta maanta ah ayaa lagu sheegay in maalintan ay noqon doonto mid xusuusinaysa waajibaadka wada jirka ah ee dalka ee ah “adeecid, ilaalin, iyo dhaqan gelinta” Dastuurka la soo saaray 27-kii Agoosto, 2010-kii.
Ruto ayaa waxaa uu sheegay in dastuurku uu calaamad u yahay isbeddelka socdaalka dimoqraadiga ah ee Kenya, isaga oo keenay dowlad ku salaysan muwaadiniinta, awood qaybsiga, horumarinta sinnaanta, iyo ilaalinta xooggan ee xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah.
Madaxweyne Ruto ayaa intaa ku daray in maalinta Katiba Day ay noqon doonto maalin shaqo balse ay xusi doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee dowladda, oo ay ku jiraan dugsiyada iyo safaaradaha Kenya ee dibadda.
Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dalka uu isku diyaarinayo xuska sannad-guuradii 15-aad ee kasoo wareegtay dastuurka 2010-ka oo la qaban doono maalinta Arbacada ah.