Madaxweyne Ruto oo saxiixay sharci ka dhan ah dadka naafada

0
628

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ansixiyay sharciga dadka naafada ah kaas oo dammaanad qaadaya xuquuqda Naafada sida waxbarashada, shaqada, daryeelka caafimaadka, ka qaybgalka siyaasadda, iyo helitaanka adeegyada muhiimka u ah dadweynaha.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Madaxtooyada Khamiista maanta ah intii lagu guda jiray saxiixa sharciga, Madaxweyne Ruto wuxuu carrabka ku dhuftay sida ay dowladda uga go’an tahay inay horumar la taaban karo ka sameyso nolosha iyo daryeelka dadka naafada ah.
Hogaamiyaha ugu sarreeya ee dalka ayaa waaxda adeega dadweynaha faray in shaqooyiinka qandaraasyada laga qeyb galiyo dadka naafada ah si loo xoojiyo in ay ka mid noqdaan laamaha dowladda.
Dhinaca kale madaxweyne Ruto ayaa canshuuraha ka dhaafay dadka naafadaha isagoona u ballan qaaday in ay heli doonaan adeegyada muhiimka ah oo ay u baahan yihiin.
Madaxweynaha ayaa xusay in ansixinta hindise sharciyeedka Naafada uu soo gebagebeynayo caqabadihii ay kala kulmi jireen adeegyada muhiimka ah sido kalena la ilaalin doono xuquuqda muwaadiniinta naafada ah.