Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay danta ku qasabtay in inta u dhexeysa 5-ta galabnimo ilaa 10-ka habeennimo korontada laga jaro qaybo ka mid ah waddanka si kuwa kale ay adeeggan u helaan.
Waxaa uu tani u aaneeyay gaabad dhanka korontada ah oo ay Kenya wajahaysa marka la is barbardhigo baaxadda tamarta ay soo saarto iyo baahida jirta oo aan isku dheellitirnayn.
Arrintan ayuu ka sheegay dalka Qatar oo uu kula kulmay muwaadiniinta qurbajoogta ah ee halkaasi ku nool.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in loo baahan yahay ugu yaraan hal Tiriliyoon oo shilin si korontada loogu kordhiyo ilaa 5,000 megawatts.
Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo dardargeliyo horumarka iyo wax soo saarka ay qasab tahay in sare loo qaado soo saaridda tamarta.
Wuxuu shaaciyey qorsho dowladeed oo lagu dhisaya ugu yaraan 50 ah ceelasha waawayn .
William Ruto ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in la helo hal Tiriliyoon oo shilin iyadoo aan shacabka la saarin canshuur dheeraad ah wuxuuna tusaale u soo qaatay sidii ay dowladdu ku heshay ilaa 600 oo bilyan oo shilin oo loogu talagalay mashruuca guriyaha qiimo ahaan la awoodo.




