Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan.
Madaxweyne William Ruto ayaa ka codsaday madaxda IGAD in ay mowqif adag ka qaataan dhibaatada jirta si loo soo celiyo nabadda dalka Sudan.
Madaxweynaha ayaa kulan dhanka Internetka ah oo uu la yeeshay Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kala hadlay ammaanka sii xumaanaya ee Suudaan.
Kulanka deg degga ah waxaa ku sugnaa Madaxweynayaasha Salva Kiir (South Sudan), Yoweri Museveni (Uganda), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti) iyo Xasan Sheekh Maxamuud (Soomaaliya).
Hogaamiyayaasha ayaa ugu baaqay golaha ku meel gaarka ah General Abdel Fattah al-Burhan iyo General Mohamed Hamdan Dagalo in ay joojiyaan dagaalka ayna ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka.
IGAD waxay go’aansatay in ay madaxweynayaasha kala Kiir, Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Geelle inay heshiisiiyaan kooxaha isku haya ee wadanka Sudan .
Waxay sheegeen in xasiloonida Suudaan ay fure u tahay wanaagga bulsho iyo dhaqaale ee gobolka geeska Africa.
Colaadda, ayay raaciyeen, in ay wiiqayso horumarradii nabadeed ee la gaaray afartii bilood ee la soo dhaafay.
Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ka codsaday labada kooxood in ay bixiyaan marin nabdoon oo gargaar bini’aadantinimo lagu gaarsiinayo Khartoum iyo magaalooyinka kale ee ay dhibaatadu saameysey.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo qeyb looga dhigay heshiisiinta dhinacyada isku haya dalka Sudan