Madaxweyne Ruto oo mar kale difaacay kaniisad laga dhisayo aqalka madaxtooyada

0
385

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale difaacay dhismaha kaniisad laga dhisayo aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi.
Madaxa dawladda, wuxuu ballan qaaday inuu hubinayo in shaqaaluhu helaan meel ku filan oo ay ku cibaadaystaan.
Madaxweynuhu wuxuu difaacay dhismaha kaniisadda, taas oo uu markii hore ballan qaaday in uu isaga kharashaadka bixin doono.
Hadalkiisa ku aaddan cusboonaysiinta kaniisadda ayaa ku soo beegmaysa ka dib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare bishii Agoosto taasi oo si ku meel gaar ah u hakisay dhismaha kaniisadda.
Waxa uu dhanka kale xusay in dalka uu ku socdo jiho wanaagsan ka dib markii maamulkiisa uu dib u habeyn ku sameeyay qeybaha muhiimka ah sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha.