DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo Machakos xariga kaga jaraya barnaamijka NYOTA

0
859

Madaxweyne William Ruto ayaa xariga kaga jaray Mashruuca Fursadaha Qaranka Dhalinyarada ee NYOTA magalada Machakos, kaas oo ah hindise loogu talagalay in lagu awoodsiiyo dhalinyarada ganacsiga.
Munaasabadda, oo lagu qabtay Machakos Stadium, ayaa sidoo kale ah barnaamij lacag bixin ah oo loogu talagalay dhalinyarada guusha gaartay ee u qalantay lacagaha si ay ganacsi ugu bilaabaan.
Kulanka waxa mafdaxweynaha ku wehlinaye dhalinyarada, madaxda deegaanka, Wasiiro, xildhibaano iyo Madaxweyna ku xigeenka Prof.Kithure Kindiki.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhalinyarada u sheegay inuu isbeddel wanagsan ku samayn doono dalka, isla markana ay iyagu qayb ka yihiin.
Madaxweynaha ayaa sido kale ugu yeeray siyaasiyiinta inaysan siyaasadeynin barnamaijka lagu garab istaagayo dhalinyarada.

Dhankiisa Wasiirka Iskaashada iyo ganacsiga yaryar Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inay jiraan deeqo badan oo ay dhalinyarada ka faa’ideysan karaan.

Dhankiisa Wasiir Dhalinyarada Salim Mvurya ayaa ugu yeeray dhalinyarada inay si wanagsan ooga faa’ideystaan lacagtaan oo ganacsi ku sameystaan.