Madaxweyne Ruto oo la filaayo in uu maanta u ambabaxo dalka Mareykanka

0
212

Madaxweyne William Ruto ayaa fiidnimadii Axadda u duuli doona magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka 80-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Ruto ayaa ku biiri doona madaxda kale ee caalamka ee ka soo qayb galay shirka sanadlaha ah.
War murtiyeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu ka hadli doono shir madaxeedkaasi, oo uu ku muujin doono sida ay Kenya uga go’an tahay u ololaynta dib u habeynta dhaqaalaha ee dalalka soo koraya.
Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maalmo yar ka harsan yihiin sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika ee AGOA oo la qorsheeyay inuu ku ekaado 30-ka bishan September, haddii uusan dib u cusboonaysiin Aqalka Congress-ka Mareykanka. Haddii aan dib loo cusboonaysiin, burburka dhaqaale ee dalal badan oo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Kenya ayaa waxaa uu noqon karaa mid aad u daran.
Madaxweyne Ruto ayaa kordhin doona baaqyada ku aaddan horumarinta dadaallada nabadeed ee Suudaan, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Soomaaliya, iyo Haiti.
Waxaa kale oo uu ka qayb gali doonaa shir madaxeedka Guddiga Tobanka (C-10), halkaas oo uu kaga hadli doono mowqifka Afrika ee ku saabsan dib u habaynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu xoogga saarayo iskaashiga lagu gaarayo yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah.
Si kor loogu qaado horumarka laga gaaray howlgalka Kenya ee Haiti, Ruto ayaa waxaa uu sidoo kale martigelin doonaa munaasabad heer sare ah oo ku saabsan Howlgalka Taageerada Ammaanka Caalamiga ah ee Haiti (MSS) si uu ula wadaago madaxda kale casharadii laga bartay tan iyo markii ciidamada Kenya la geeyay dalka Haiti.
Waxa kale oo uu qaban doonaa wadatashiyo lagu xoojinayo mowqifka Afrika iyo isu soo baxa hoggaamiyeyaasha ka hor shirka COP30 ee ka dhaci doona magaalada Belém ee Brazil, isaga oo ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Madaxda Dowladaha ee Isbeddelka Cimilada (CAHOSCC).
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sidoo kale fursad u heli doona in uu ka hadlo horumarka laga sameeyey mashruuciisa caanka ah ee Guryaha la awoodi karo, isaga oo martigelinaya Quraac heerkeedu sarreeyo oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 30 Madaxweyne isaga oo guryeynta ugu macneyn doono madaxda kale inay tahay tiirka isbeddelka bulshada.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Ruto ayaa wada hadallo laba geesood ah la yeelan doona madaxda caalamka, hay’adaha horumarinta, iyo madaxda warshadaha si loo horumariyo danaha Kenya, loona soo jiito maal gashi, iyo iskaashi sugan oo laga yeesho dhinacyada muhiimka ah sida beeraha, tignoolajiyada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo tamarta hoos yimaada Ajendaha Isbeddelka Dhaqaalaha Hoose ee BETA.