Madaxweyne Ruto oo ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo garoon caalami ah oo cusub

0
396

Madaxweyne William Ruto ayaa ku dhawaaqay qorshe dowladda ay ku dhisayso garoon diyaaradeed oo cusub oo heer caalami ah, kaas oo lagu yareynayo ciriiriga ka jira Garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) isla markaana lagu xoojinayo doorka Kenya ee dalxiiska, ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.
Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha hoose ee xisbiga UDA oo ka dhacay ismaamulka Nyeri, madaxweynaha ayaa sheegay in mashruuca garoonka cusub, oo muddo dheer hakad ku jiray, uu hadda si rasmi ah u bilaaban doono, taasoo soo afjareysa sanado hubanti la’aan ah oo ku hareeraysnaa ballaarinta kaabayaasha duulista ee dalka.
Dhismaha garoonka cusub ayaa la filayaa inuu billowdo bisha April ama horraanta bisha May ee sanadkan, waxaana lagu tilmaamay mid muhiim u ah ajendaha isbeddelka dhaqaale ee dowladda. Dowladda ayaa sheegtay in garoonka cusub uu gacan ka geysan doono soo jiidashada maal gashadayaal badan, kor u qaadista dalxiiska, iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo rakaabka.
Garoonkan cusub ayaa lagu wadaa inuu yareeyo culayska saaran JKIA, oo hadda qaabilsan inta badan rakaabka iyo xamuulka caalamiga ah ee dalka. Marka uu dhammaado, waxaa la filayaa in awoodda rakaabka ay kororto, lana gaarisiiyo ilaa 100 milyan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in kaabayaasha cusub ee garoomada diyaaradaha ay taageeri doonaan ganacsiga guud ahaan gobolka, marka laga soo tago kobcinta dalxiiska, taasoo sare u qaadaysa tartanka waddanka ee heer caalami.