Madaxweyne Ruto oo ku amray KECOBO inay abuuraan ururin dhijitaal ah ee dhanka E-Citizen

0
407

Madaxweyne William Ruto ayaa faray guddiga xuquuqda daabacaada ee Kenya KECOBO inay abuuraan aruurin dhijitaal ah ee dhanka ECitizen si kor loogu qaado dakhliga farshaxanimada.
Isagoo ka hadlayay xafladii 97-aad ee Bandhig faneedka Kenya oo ka dhacday aqalka yar ee madaxtooyada Sagana ee ismaamulka Nyeri, hoggaamiyaha qaranka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in guddiga ay xalliyaan ismariwaaga Ururka Maareynta Wadareed.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in guddiga ay xaqiijiyaan in boqolkiiba 70 lacagta royalty-ga si toos ah loo siiyo fanaaniinta.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in aan dib loo dhigi karin ficilka wax si toos ah uga faa’ideysanaya fannaaniinta dalka.
Madaxweynaha dalka ayaa cadeeyay in Cashuuraha Tape-ka ee Bannaanka ah ay hore u ururiyeen in ka badan 100 milyan oo shilinka dalka ah, taas oo si toos ah ugu bixi doonta taageerada warshadaha halabuurka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dowladda ay dib u dayactir ku sameysay xarumaha dhaqanka sida Tiyaatarka Qaranka, Bomas of Kenya, iyo xarumaha gobolka si ay u helaan goobo la awoodi karo oo waxqabad iyo tababaro.