Madaxweyne William Ruto ayaa difaacay khudbaddiisa Sanadlaha eh isagoo sheegay inay ka hadashay mashaariic muhiim ah oo loogu talagalay wax ka qabashada caqabadaha haysta Kenyaanka.
Isagoo ka hadlayay tuulada Olopirik ee deegaanka Galbeedka Narok hoggaamiyaha qaranka ayaa xaqiijiyay in Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dowladda ay leedahay, 2025, oo uu saxiixay Jimcihii, uu aasaas u noqon doono rakibidda Sanduuqa Dhaqaalaha Qaranka iyo Sanduuqa Kaabayaasha Dhaqaalaha Qaranka si wax looga qabto caqabadaha maaliyadeed ee muhiimka ah sanadka 2026-ka.
Ruto ayaa sidoo kale dhaleeceeyay siyaasiyiintii ka faa’iideystay ka saarista kaymaha Mau ee ismaamulka Narok si ay siyaasadeeyaan dhibaatada dadka laga saaray deegaanka, isagoo sheegay in dowladdiisa ay si joogto ah u soo afjari doonto caqabadaha jira iyo meelaha kale ee lagu murransan yahay.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo ku adkeystay in khudbadiisa sanadlaha ah ay fahfaahisay ajendayaasha...




