Madaxweyne Ruto oo ka tacsiyadeeyay shil ay 25 qof ku dhinteen oo ka dhacay Kisumu

0
459

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha shilkii xalay ka dhacay wadada Mamboleo ee ku taal wadada Kisumu iyo Kakamega ee galaaftay nolosha 25 qof.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in uu u duceeyey dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi, waxaana uu u rajeeyay kuwa dhaawaca ah in uu Allah bogsiiyo.
Waxa uu kula dar daarmay ciidamada ilaalada wadooyinka in ay si deg deg ah uga hortagaan fal kasta oo dayacaad ah oo ka qeyb qaadan karta musiibadan.
Shilkan ayaa markii hore galaaftay nolosha 21 qof – 10 rag ah, 10 dumar ah, iyo gabadh yar – markii uu bas ka yimid Kakamega, oo siday dad baroordiiqayay oo ka soo jeeda deegaanka Nyakach ee Kisumu, uu ka baxay Jidka weyn ee isku xira Kisumu-Kakamega oo uu ku dhacay god u dhow Kaniisadda Coptic ka dib markii darawalku lumiyay xakamaynta baabuurka.
Tirada dhimashada ayaa kor u kacday ka dib markii afar kale oo dhibanayaal ah ay u dhinteen dhaawacyo iyaga oo lagu daweynayo Isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga, sida uu xaqiijiyay Sarkaalka Dhaqangelinta Taraafikada ee Gobolka Nyanza Peter Maina.